Wiil Somaliya oo Lagu Dilay Magaalada Ravensburg ee Dalka Jarmalka
August 31, 2024 - Written by admin
Allaha u naxariistee waxaa xalay fiidkii, meel dukaan ah hortiisa mindi lagu dilay nin Soomaali ah oo 25 sano jir ah oo joogay magaalada Ravensburg ee gobolka Baden-Württemberg.
Waxaa dilay nin Gaambiyaan ah oo 31 sano jir ah.
Labada nin Khamiistii ayay meel kaam ah isku dagaaleen, yarka Soomaaliga ah ayaa dhaawac fudud oo mindi ah u geystay Gaambiyaanka, xataa maalintii Arbacada ayay labaduba is dhaawaceen oo isbitaal lagu soo wada daaweeyay, boliiskana arrintooda wuu ogaa.
Balse caawa fiidkii Jimcada dagaalka ay is dagaaleen wuxuu sababay in si xun mindi loo geliyo wiilka Soomaaliga ah, dhaawac halis ah la gaarsiiyo, kedibna Isbitaalka ayuu ku dhintay.
Gaambiyaanka waa la qabtay, wuuna xiran yahay.
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.