Masuul Uhadlay Maxjarka Dhoofka Xoolaha ee Almutaxida oo Been Abuur Ku Tilmaamay Waraqad Baraha Bulshada La Wareejinayo oo Somaliya Lagu Xidhiidhiyay
September 9, 2024 - Written by admin
Xubin katirsan Masuuliyiinta Maxjarka Xoolaha lagu caafimaadiyo lagana dhoofiyo ee Almutaxida ama Iska caabinta oo aanu wax ka weydiinay eedaha loo jeediyay Maxjarkooda ee la xidhiidha inay waraaqaha dhoofka Xoolaha kasoo qaataan Dawlada Somaliya lacagana kusiiyaan ayaa gabi ahaanba beeniyay Arintaas isagoo sheegay inaanay waxba ka jirin warka iyo waraaqda lagu baahiyay baraha bulshada Caawa ee lagu xidhiidhiyay Maxjarkooda isagoona soo bandhigay Masuulkani Shahaadadii uu Ku baxay markabka laga been abuuray ee Banyas-1 taas oo ah Shahadaada dalkan Somaliland xoolaha ku dhoofiso uu ku cadyahay magaca Jamhuuriyada Somaliland, sidoo kalena ay ku cadyihiin cadadkii xoolaha markabku qaaday iyo xiligii dhoofay.