berberatoday.com
XUSUUS QORKA MAANTA 11 SEPTEMBER IYO WEERARAKII MARAYKANKA (11 SEPT ATTACK) QALINKII CALI-MAHAD YUUSUF Qormadii 1aad
September 11, 2024 - Written by admin
XUSUUS QORKA MAANTA
11 SEPTEMBER IYO WEERARAKII MARAYKANKA (11 SEPT ATTACK)
QALINKII CALI-MAHAD YUUSUF
Qormadii 1aad
Maanta oo kale 11kii Septembar 2001, waa 23 Sanadood ka hor waxaa Qaraxyo waaweyni ka dhaceen Dalka Maraykanka.
Ayaantaas oo ahayd Salaasa Waaga dunida ka beryay saacadihii hore wuxuu ku curtay jawi degan,
Dalweynaha Maraykanka oo Baaxad ahaan lagu tilmaamo Dalka Sadexaad ee Dunida ugu balaadhan, Salaanta Saacadihii hore lays weydaarsanaayey oo ahayd Subax Wanaagsan.
Waxay soo afjarantay Amin ku siman 8:30 am Subaxnimo , oo masiibo Caalamka gees ka gees warkeedu gaadhay ka dhacday .
Waa weerarkii daariihii Xarunta Ganacsiga Aduunka saacadaasna dayuuradii u horaysay, ayaa duqaysay dhismihii koowaad Fooqyadii mataanaha (Twin Towers) ee ku yaalay Magaalada New York.
Inkastoo Markii hore loo haystay inuu ahaa Shil Kama ah, balse wax yar kadib ayaa daartii labaad ay si xoogan u gashay Dayuurad kale,
Qaab miisaan lehna loogu dhuftay dhismaha, Jugta ku dhacday waxaa khasaare balaadhan ay u geysatay Kooxihii gurmadka ee ku hawlanaa Bakhtiinta dabka ka dhashay qaraxa iyo samata bixinta Dadka
Ee dhulka joogay iyaga iyo Gaadiidkii ay wateenba waxaa haligay Qaraxii iyo Firidhkii dhismeyaashaa oo ka koobnaa 110 Dabaq,
Daqiiqado yar gudahoodna waxay isu bedeleen Uuro. iyo Qiiq madow, Muuqaalada Kamaraduhu duubeena waxay soo tebiyeen Sawir Naxdin leh oo aan indhaha la siin karin.
Intii lagu guda jiray xaaladan ayaa Dayuurad kale oo 3aad duqaysay Xarunta Gaashaandhiga Maraykanka, (Pentagon) inkastoo safaaxada laga daboolay khasaarihii ka dhacay,
Waxaase jiray xogo soo baxay oo daaha ka rogay saraakiil Meleteri iyo khubaro badan oo Ku Haligmay goobtaas,
Aqalka cad ee looga taliyo Maraykanka ayaa Dayuurad afraad oo Hawlgalka ku jirtay lagu soo riday. meel debeda ka ah dhismaha.
Hadaba Saacadihii ay socdeen Weeraradaasi waxaa Jahawareer xoogani ku dhacay Masuuliyiintii u saraysay Dalka Maraykanka,
M/weynihii wakhtigaas Goerge W. Bush isagoo goob xaflad ah jooga ayaa lagu wargeliyey sida xaaladu u dhacday, si degdeg ah baanu madashii uga baxay,
Warar xiliyo dambe soo baxay ayaa daaha ka rogay in Ragii qaabilsanaa Amniga M/weynuhu, amaawiir khaldan bixiyeen,
Oo xitaa M/weynihiina ay la dhuunteen lagana fogeeyey xarumihii Maamulka,
Taasoo hakad gelisay kulan degdeg ah oo la filayey in madaxda Qaranku isugu yimaadaan
Si M/weynuhuna shacabkiisaa ugu sheego Baaxada khasaaraha dhacay iyo talaabada la qaadi doono,
Arimaha maalintaas Taariikhda galayna waxaa kamid ahaa Baqdintii iyo Saskii umada Maraykanku ka qaaday Cirka,
Xaaladuna waxay gaadhay in amar degdeg ah la faro dhamaanba Duulimaadyadii Hawada ku jiray inay si degdeg ah dhulka u fadhiistaan. waxaase yaab ahayd Tirada saacadaa
La soco…….

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews