berberatoday.com
“Sidii Meesha Looga Saaray Maamulkii Dad Qalatada Ahaa Majiro Deegaanka Somalida Itoobiya Qof Lagu Khasbo Waxaanu Doonayn”Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Mustafe Cagjar.
September 17, 2024 - Written by admin
“Inkasta oo sawaxan iyo jaahwareerin badan oo looga goleeyahay suuraxumeeynta Xukuumadda Isbadalka ee DDS iyo u xilqarinta nidaamkii dad-qalatadda ahaa ee ay badashay uu si joogta ah isaga socdo, hadana waxaan muran ku jirin in maanta Deegaanka Soomaalida uuna jirin qof lagu qasbo inuu ku hadlo wax uuna raali ka ahayn. Waxaa hubaal ah in afkaaro kala duwan oo qaarkood lid isku yihiin lagaga dhawaaqo magaaladda Jigjiga dhexdeeda, oo Xorriyadda hadalku ay taaba-gashay.
Mar hadii la yidhaa aan doodno oo si xor ah u hadalno, iyana waxaa meesha taal in dood toosan iyo tu deel-qaaf ku jiro labaduba imanayaan. Waxaa haboon in tii sax loo arkana la taageero, tii qalad loo arkana la naqdiyo. Hadal kasta oo la yidhaana lagala xisaabtamo cidii ku hadashay ee aan wadar dhan lagu weerarin hadal qof ka qaloocday.
Shacabka Deegaanka Soomaaliddu waa Soomaali. Waana Soomaali ka tirsan dalka Itoobiya maamul ahaan. Ciidii tidhaa Soomaali manihina way qaldan tahay; cidii tidhaa Itoobiya kama tirsannina way jaahwareersan tahay. Shacabka DDS, Shacabka Soomaaliyeed ee kale meel kasta oo uu ku nool yahay waxay u hayaan wanaag iyo abaal.
Si guud, Odayaasha Deegaanku waxay ka hadleen waa xaqiiqdaas jirta. Waxaa kale oo ay ka hadleen in nabad iyo nolol ay rabaan oo ayna diyaar u ahayn cid kasta oo carqaladeeynaysa amniga Deegankooda. Nuxurka hadalkoodu wuxuu ahaa in cid kale ayna wakiil ka noqon karin masiirka iyo danaha shacabkooda.
May be an image of 1 person, newsroom and dais

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews