berberatoday.com
Maydh Magaaladii Caydhisay Boortaqiiska:
September 26, 2024 - Written by admin
Maydh magaaladii caydhisay boortaqiiska:
Waa xog cusub oo xambaarsan taariikh yaab leh, lama filaan ayay igu noqotay saaka markii aan kahriyay taariikhdan oo aan liiskaba iigu jirin markii hore. Dhacdadan oo kooban waxa ay u dhacday sidan: 1520 waxa soo gaadhay xeebta Maydh Antonio de Saldanha iyo Ruy Lourenço oo hogaaminaya dhawr markab, sidu sheegay Baros waxay u socdeen in ay biyo ka qaataan ceelka Sheekha (ſahíram), sidaas ayuu magaca Sheekhu u qoranyahay walina iima cadda sida loo akhrin karo.
Sadex saxiimadood ayay la dageen, waxay u jeestan dhanka xeelliga ee magaalada Maydh, markii ay ka dageen ee ay dhulka taabtaan waxa lagu eekeeyay dagaal daran, sidu uga warramay taariikhyahankii boortaqiiska ahaa ee Baros, waxa aad moodaysay in reer Maydh ay diyaar u ahaayeen dagaal ay la galaan boortaqiiska. Baros wuxu sheegay in boortaqiisku ay ka yaaceen sadex mayd ah, waxayna sii qaateen dhaawac uu kamid ahaa ninkii lagu magacaabi jiray Gomes Carrafco oo lugta dhawaac wayni kaga yaallay. Gomes wuxu kamid ahaa raggii gubay Saylac.
Inyar kadib waxa isa soo buuxiyay xeelliga Maydh ciidamo badan oo reer Maydh ah, diyaarna u ahaa ka hortagga weerar celinta boortaqiiska, hase ahaate markii uu arkay Antonio de Saldanha ciidankaa wuxu yidhi: Biyo raadin kuwaayi mayno ciidamo kale oo innagaga dhinta magaaladan ee innaga keena. Sidiina way ku tageen.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews