Madaxweynaha Dawlada Xamar oo Ku Eedeeyay Itoobiya Inay Si Badheedh Ah Ufasaxday Biyaha Wabiyada Si Ay Fatahaad Ugu Sameeyaan Gobolada Somaliya Ay Maraan
October 4, 2024 - Written by admin
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Itoobiya inay si badheedh ah u fasaxday biyaha wabiyada si ay fatahaad u sameeyaan,wuxuuna ku Han-jabay inayna udul qaadan doonin.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay Itoobiya in ay si badheedh ah u fasaxayso Wabiyada ka imanaya gudaha dalkoda si ay fatahaado uga sameeyaan Soomaaliya.
Arintan ayaa sare u sii qaadaysa xiisadda u dhaxeysa labada dal ee Geeska Afirca kuwada yaala.