Gudida Anshaxa Iyo Kormeerka Doorashooyinka oo Ganaaxyo Lacageed oo Culus Dul Dhigay Masuuliyiin Xukumada Katirsan Iyo Xisbiyada Kulmiye, Wadani Iyo Urur Siyaasadeedka Kaah
October 27, 2024 - Written by admin
Gudida Anshaxa komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa ganaax lacageed dul dhigay Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye.
1:- Wasiir Cabdirisaaq Muuse Faarax waxa la ganaaxay 10 milyan oo shilinka Somaliland ah
2:- Faysal madar, Xoghayaha kulmiye waxa lagu ganaaxay 5 milyan oo shilinka Somaliland ah.
3:- Mustafe Qodax, madax ollolaha gobolka maroodi jeex ee Kulmiye waxa lagu ganaaxay 5 milyan oo shilinka Somaliland ah
4:- xildhibaan Siikaawi, waxa isna lagu ganaaxay 5 milyan oo shilinka Somaliland ah.
Guddidu waxay sheegeen in mas’uuliyiintan lagasoo gudbiyaya dacwado.
Geesta kale gudida anshaxa iyo Kormeerka Komishanka Doorashooyinka ayaa ganaaxay Xisbiga Kulmiye 100 Milyan oo SL Shilin Ah Xisbiga Wadani Iyo Urur Siyaasadeedka kaahna Midkiiba 50 Milyan oo SL Shilin ah