T A C S I Geerida Axmed siilaanyo
ilaahay ha u naxariisto Madaxweynihii hore ee jamhuuriyada somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa caawa 15.11.2024 ku geeriyooday gurigiisa magaalada hargeysa .
Aamina-weris xaaji maxamed jirde oo ah marwada Axmed Siilaanyo oo telphone-ka aan kula hadlay una tacsiyadeeyay ayaa ii xaqiijisay geerida hogaamiyihii weynaa oo magac iyo sumcad weyn ku lahaa soomaalida guud ahaan iyo caalamkaba . sida warka aan ku helay waxay ahayd geeri mawtul-qafla ahayd .
TAARIIKHADA AXMED SIILAANYO
Qore;
Axmed Saciid Cige
 
Axmed Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer Siilaanyo wuxuu ku dhashay
 
Degmada Burco sannadkii 1936kii siduu isagu ii sheegay .
 
Waxbarashadiisii dugsiyada Hoose-Dhexe ilaa dugsiga sare wuxuu ku dhammaystay
 
Dugsiyadii Sheekh iyo Cammuud mudadii u dhaxeysay 1946kii ilaa iyo 1960kii .
 
1960kii ilaa iyo 1965kii wuxuu Axmed Siilaanyo ku jiray jaamicadda Magaalada
 
Manchester ee dalka Britain , halkaasoo uu ku qaatay shahaadooyinka Bachellerka iyo masterka ee cilmiga dhaqaalaha .
 
Intii u dhaxaysay 1965kii ilaa Oktoober 1969kii wuxuu Axmed Siilaanyo ahaa sarkaal sare oo ka soo shaqeeyay Wasaaraddii
 
qorsheynta ee dawladdii somaliya ee rayidka ahayd , isagoo gaadhay derejada agaasime guud .
 
Markii millaterigu taladii dalkii somaliya afgambiyeen 21kii Oktoober 1969kii
 
Waxaa Axmed Siilaanyo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta.
 
Muddo kadib waxaa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo guddoomiyaha
 
Guddiga dhaqaalaha qaranka, ilaa iyo 1982kii oo uu ka goostay dawladdii kacaanka .
 
1982kii oo uu Axmed Siilaanyo tegay London wuxuu markiiba ku biiray jabhaddii
 
Dhaqdhaqaaqa waddaniga soomaaliyeed ee SNM , isagoo noqday wakiilka xafiiskii
 
Mudadii u dhexeysay 1984kii ilaa iyo 1990kii wuxuu Axmed Siilaanyo ahaa guddoomiyaha ururka SNM ee ugu mudada dheeraa .
 
wuxuuna xilkii ku wareejiyay shirweynihii SNM ee magaalada Balligubadle lagu qabtay 1990 gudoomiyihii cusbaa ee
 
shirkaasi lagu doortay Cabdiraxmaan Axmed Cali .
 
18kii May 1991kii shirweynihii Magaalada Burco ee
 
Beelaha Somaliland iyo ururkii SNM kaga dhawaaqeen goonni isutaaga Somaliland
 
Wuxuu Axmed Siilaanyo ka mid ahaa hogaamiyayaashii hormoodka ka ahaa nabadeynta
 
Iyo heshiisiinta beelaha Somaliland wada dega ee ku dhawaaqay dib ula soo noqoshadii xornimadii somaliland .
 
Axmed siilaanyo wuxuu xubin ka noqday baarllamaanka Somaliland 1993kii ilaa 1997kii .
 
1997kii ilaa iyo sannaddii 2000 dawladdii Somaliland ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
 
Wuxuu Axmed Siilaanyo ka soo qabtay jagooyinka wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo
 
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta , isagoo markii danbe iskii isu casilay .
 
Bishii May Sannadkii 2002 wuxuu ku dhawaaqay Aasaasidda Xisbiga Mucaaridka ee Kulmiye oo
 
uu guddoomiye u noqday . doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee April 2003
 
Tartankii Madaxweynaha waxaa Axmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisii Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax lagaga helay 80 Cod
 
oo ay aqbaleen , una hambalyeeyeen Madaxweynihii la doortay xilligaasi Daahir Rayaale Kaahin .
 
Mar kale ayaa Xisbiga Mucaaridka ahaa ee Kulmiye u soo Sharraxay Axmed Siilaanyo tartankii doorashada madaxtooyada
 
Somaliland ee 2010 , isagoo madaxweyne xigeenna uu u ahaa cabdiraxman zeylici .
 
doorashadaasi oo dhacday 26june 2010 ayaa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo loo doortay inuu ahaado madaxweynaha
 
somaliland muddo shan sano ah , isagoo kaga guuleystay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin oo muddo sideed sanadood ah
 
soo hayay madaxweynanimada Somaliland .
 
Madaxweyne Axmed Siilaanyo todobo sano oo uu xilka hayay waxaa lagu tilmaamaa inuu mashaariic horumarineed ka hirgeliyay
 
gobollada somaliland oo ugu weyn yihiin ballaadhinta dekedda berbera iyo wadada burco ilaa ceerigaabo .
 
Axmed Siilaanyo doorashadii madaxtooyada ee 13november 2017 wuxuu xisbigiisa kulmiye soo sharaxay madaxweyne muuse biixi
 
cabdi iyo madaxweyne xigeen cabdiraxman cabdillaahi ismaaiil zaylici oo kaga guuleystay murashaxiintii xisbiyadii mucaaridka ee wadani
 
iyo UCID ee cabdiraxman Maxamed Cabdillahi Cirro iyo faysal Cali waraabe .
 
Axmed Siilaanyo wuxuu leeyahay hal xaas Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirdde iyo shan caruur ah
 
oo kala ah saddex wiil iyo laba gabdhood .