Muwaadin Reer Somaliland Ah oo Loo Doortay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Gobolka Oregon ee Dalka Maraykan.
November 17, 2024 - Written by admin
Kayse Jaamac oo asal ahaan kasoo jeeda magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer Ee Soomaaliland ayaa loo doortay gudoomiyaha aqalka sare ee gobolka Oregon ee dalka Maraykan.
Kayse ayaa noqonaya Afrikaankii ugu horeyey iyo Soomaaligii ugu horeyey ee xilkan oo kale ka qabta Wadanka Maraykanka.