TACSI Geerida Cabdi Musbaar
ilaahay ha u naxariisto Cabdi Jaamac Ducaale {Cabdi Musbaar} oo caawa 20.11.2024 ku geeriyooday gurigiisa magaalada hargeysa .
Cabdi Musbar wuxuu ahaa shakhsi caan ah oo aad loogu bartay waaxdii kastamada ee wasaaradii maaliyada ee somaliya oo madax ka soo noqday meelo badan oo ay ka mid ahaayeen berbera , xamar , sanaag , iyo woqooyi galbeed .
Cabdi musbaar wuxuu qayb weyn ka soo qaatay halgankii xornimada somaliland , dib u heshiisiintii beelaha , dhisida haykalka dawladnimo , iyo walaaleynta dadka , isagoo soo noqday duqa magaalada Berbera xilligii xukuumadii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ee la soo doortay golayaashii deegaanada somaliland .
Waxaan aniga oo ah Axmed Saciid Cige iyo xildhibaan Axmed Xaaji Cali Caynaba tacsi u direynaa xaaskiisii , ubadkiisa , qoyska , asaxaabtiisii faraha badneyd , iyo guud ahaan shacabka somaliland oo dhan .
Maydka Waxaa lagu aasi doonaa Xabaalaha BAQIIC ee woqooyiga Hargeysa berito khamiista , saacadu markay tahay 9 :30 barqadii .