Tan Iyo Intii La Doortay Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro Waxa Hoos Udhac Weyni Kuyimin Sarifkii Lacagaha oo Awal Hore Cirka Isku Shareeray
November 21, 2024 - Written by admin
Tan iyo intii la doortay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee Somaliland isbedelku ka dhacay waxa si wayn hoos ugu dhacay Qiimaha Sarifka lacagaha Somaliland.
$1 oo dhawaan gaadhay sarifkiisu 11,000 oo shiling oo wax yar la’ ayaa saaka Qiimaha sarifkiisu marayaa 9,400 oo shilling oo Somaliland.
Shacabka ayaa rejo wayn ka qaba in Isbedelka Somaliland ka dhacay wax badan Nolashooda ka bedelo.