Wax Ka Baro Taariikhda Aqoonyahan,Sugaanyahan Iyo Qoraa Maxamed Cabdilahi Riiraash oo Xaalad Caafimaada Uyaala Cusbataalka Hargeysa
November 26, 2024 - Written by admin
Maxamed Cabdilaahi Riiraash waxa uu ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah ee aqoonta Soomalida kor u Soo qaaday waxa uu ku dhashay 1945 Jameecada oo ka tirsan Gobolka Gabiley isaga oo waxbarashadiisa ku Soo qaatay Dugsiyada Shiikh iyo Camuud marki danbena Jamacadii Lafoole isaga oo muddo badan ku shaqeeyey macalinimo isaga oo marki dambe noqday madaxi Manaahiijta Soomaaliyeed oo dhan Isaga oo waxbarasho sarena u tagay wadanka Ingiriiska halkaas oo uu ku so Soo dhamaystay shahaadada Master oo ah taariikhda Somalida iyo historiga Geeska Afrika isla markaan la shaqaynayey BBC laanta afka Soomaaliga iyo waliba qaybta aduunka la hadasha waxa lagu xasuustaa Riiraash in uu ka so daayey Isla Bbcda taarikhda Somalida Hore iyo waayihi Axmed Gurey iyo barnaamijkii caanka Baxay ee waydiin iyo warcelin wax badanna kaga jawaabay oo ay Marka daadihinayeen Aadan Nuux dhuule iyo Axmed Xasan Cawke waxa uu in badan la shaqeeyey Yusuf Garaad Cumar oo ay kawada hawl galeen eray bixinta afka Somaliga oo Djabuuti lagu qabtay Isla markaan Maxamed Cabdilaahi Riiraash Daadihiye ka ahaa
Intii wadanka lagu kala yaacay Riiraash waxa saldhig u ahaa jabuuti oo uu markiisi u horaysay ka Daahfuray barnaamijkiisi caanka ahaa ee Sirta Erayga oo uu ku casuumay Abwaaninta waaweyn oo kala ah Hadraawi, Gaariye, Cabdi Qays, iIbraahim Gadhle iyo Hal abuuro badan dhamantoodna Rabbiga wayn ha u naxariiste, waxa xigay isna Barnaamijkiisi Tixmaal oo uu Riiraash aasasay Kuna Soo saaray gabyaa badan oo ay somalidu leedahay
Maxamed waxa uu ka so dhex muuqday silsiladi caanka ahayd ee Siinley oo uu Maxamed Ibraahim Warsame ku tilmaamay nin ki ugu cajiibsana Isla markaana Tixdiisii Sargooye noqotay tii ugu Gurranayd waxa kale oo uu qoray buugaagta kala ah Birmagaydo iyo taariikhda Somalida sidoo kale waxa ay wada Turjumeen Buuga Fatuuxal xabasha Aadan Balalo oo reer Jabuuti ah tiiriikhdiisana inta Kuma soo koobi karno
Adeerkay Aabahay la dhashay ee Maxamed Cabdilaahi Riiraash waa u xanusanyahay dhakhtarka wayn ee Hargeisa ayuu yaalla aynu u wada ducayno dhamaanteen in uu ka dulqaado
Waxa qoray Axmed Cabdiraxman Riiraash