Ciidamada Booliska Berbera oo Gaadhay Xarunta Haamaha Shiidaalka oo Shaqaaluhu Kacdoon Sameeyeen Iyaga oo Ku Doodaya Xuquuqaha Ka Maqan
November 28, 2024 - Written by admin
Ciidamada Booliska Berbera oo Gaadhay Xarunta Haamaha Shiidaalka oo Shaqaaluhu Kacdoon Sameeyeen Iyaga oo Ku Doodaya Xuquuqaha Ka Maqan oo Kala Ah.
1. Waxaaa shaqaalaha ka maqan overtime-ka laba bilood.
2. Waxaa maqan lacagtii tanker-da laba bilood.
3. Waxaa maqan lacagtii caafimaadka laba sano.
4. Waxaa maqan lacagtii yearly bonus-ka laba sano.
5. Waxaa maqan mushaharkii shaqaalaha oo uu ku xidhay in loogu daro 21 qof oo shaqaale cusub ah.
6:Waxa kaloo xoguhu sheegayaan in Maareye Axmed Ibraahim Cabdi uu lunsaday 400.000 Litir oo Shiidaala oo Dawladu lahayd islamarkaana uu ku wareejiyay Maareyihii hore Axmed Ambasy Shiidaalkaas oo ilaa maanta aan la ogayn halka uu ku dambeeyay.
7:Waxa kaloo jira nin lagu magacaaboo Faysal Dubad oo mudo dheer shaqalaha Haamaha Kamid ahaa oo qaab lhaldan shaqada looga joojiyay iyadoo dusha loo saaray dambi aanu Lahayn hase yeeshee baadhis dheer kadib Haayadaha shaqlaaha iyo Maxkamada Gobolka Saaxil wax dambiya ku waayeen amarna ku bixiyeen shaqadiisa lagu celiyo ilaa jadana uu Udiidanyahay inuu shaqada ku celiyo waxaanu ku xidhay shuruud ah inuu ka tanaasulo Xuquuqdiisa shaqaalenimo kadib uu shaqada ku celin doono taasoo uu diiday Muwaadin Faysal Dubad ilaa hadana arinkiisu taaganyahay.