berberatoday.com
Kacdoonkii Shaqaalaha Haamaha Keydka Shiidaalka Berbera oo Saaka Soo Lab Kacleeyay Iyo Shaqadii oo Guud Ahaan Taagan Albaabadana Loo Xidhay
November 28, 2024 - Written by admin
Xaalada Haamaha Shiidaalka Berbera ka Taagnayd oo faraha kasii baxaysa iyo Kacdoonkii shaqaalaha oo saaka marlabaad soo laba kacleeyay kadib Markii uu fulin waayay Maareyaha Haamuhu qodobo heshiis ay Maamulka Gobolka Saaxil iyo ka Degmada Berbera Ku dhexgaleen Shaqalaaha ku doodaya Xuquuqo ka maqan iyo Maareyaha.
Qodobada heshiis ayaa waxa kamida In Maareyuhu degdeg ubixiyo Mushaharka Shaqaalaha kana reebo 21 shaqaale cusuba uu qoray shaqada bishan November xiligii ololaha shaqaalahaas Aan ku jirin shaqaalaha rasmiga ah ee Ka Diwaangashan haayada shaqaalaha Dawlada si ka gadhsiisana uu uqortay.
Iyo inuu udiyaariyo shaqaalaha Lacagaha Ka maqan oo kala ah lacagtii Caafimaadka shaqaalaha iyo lacag kaloo Bonis layidhaa oo shaqaalaha lasiiyo Sanadku markuu dhamaado lacagahan oo Ay shaqaaluhu sheegeen inaanay qaadan 2-sano ee udambeeyay oo Maareyuhuna uu jeebka ku shubtay ilaa hadana aanu waxa Ka ogolayn taasi waxay keentay in saaka Shaqaalaha Haamaha shiidaalku Albaabada uxidhaan Haamaha shaqo Joojin guudna sameeyaan maadama uu Maareyuhu diidanyahay inuu fuliyo Qodobada lagu dhexdhexaadiyay sidoo Kale Maareyaha Haamaha Axmed Ibraahim Cabdi wuxu sicad udiiday Amarkii Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Case isagoo yidhi Ima maamushid Haamahana anigaa haysta sida wararku Nagu soo gaadhayaan hada waxa layaab Noqotay shaqaalaha oo mushaharka qaadan jiray 26 bisha ayaan ilaa hada Waxba qaadan waxaana laga yabaa hadii Kacdoonka shaqaaluhu sii siisocdo in Xaalada amaan ee Maareyuhu faraha kabaxdo sababtoo ah waxa uu dhex daganyahay Haamaha oo shaqaalihii Kacsanaana joogaan iyagoo u arka in Xiligan Kala guurka ah ee labada Xukumadood isbedelayaan inuu Xuquuqda shaqaalaha qorshaystay Maareyuhu inuu leexsado.
Wixii warara ee kasoo kordha kala soco Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews