berberatoday.com
Shirkada DP World ee Dekeda Berbera Maamusha oo Xiligan Kala Guurka Ah Qoratay Shaqaale Ajaaniib oo Shaqada Muwaadinku Qaban Karaayay Qabanaya Iyo Shaqaalaha Muwaadinka Ah oo Ka Cabanaya Darajadooda oo Halkii Lagula Wareegay Taagan
December 3, 2024 - Written by admin
Shirkada Dekeda Berbera maamusha ee DP World ayaa iyadoo ka faa’daysanaysa wakhtiga kala guurka ah ee labada Xukumadood isbedelayaan ayaa waxay baal martay heshiiskii lala galay ee ahaa inaan shaqada muwaadiniintu qaban karayaan Shaqaale Ajaaniib la siin karin waxaanay maalmahan shirkadu hoosta ka shaqaaleysiineysay shaqaale hore uga shaqeyn jirey shirkaddi hore udhistey Dekeda Cusub shirkadaas oo lagu magacaabi jiray Shafa Al-Nahda iyadda oo ay jirto wadanka duruuf shaqo la’aaned oo baahsani!
Hadaba shirkada dpworld ee Dekeda magaalada Berbera maamusha ayaa ah mid wakhti xaadirkan ay gacanta ku hayaan shaqooyinka ugu muhiimsan badankooda Shaqaale Ajinabi oo kasoo kala jeedda wadamo kala duwan, taas oo dadka xaqa u lahaa aaney wax darajo sare oo ay ka gaadheen aaney jirin tan iyo wakhtigi ay Dekeda la wareegtay shirkada DP World waxaanay taasi keentay guux maalmihii udambeeyay kasoo yeedhaayay shaqaalaha oo cabashooyin kala duwan oo badan qaba,
Maamulka Shirkada Dp World waxay uqeybsantahay qeybo kala duwan iyada oo midkastaa haysto uu masuul ka yahay nin Ajinabiya oo kasoo Jeeda wadan kale Muwaadiniintuna ay yihiin shaqaale hoosaad aan xitaa darajada loo kordhin,
hadaba dhawaanahan waxa jiray inay dpworld ay shaqaaleysiisato shaqaale hore uga shaqayn jirey Shirkada Shafa Alnahda taas ah shirkadii dhistay Dekeda Cusub mashruuciina ka dhamaaday dalkan ka guurtay,
Iyada oo sida aynu wada ogsoonahay ay ka jirto wadankeena shaqo la’aan baahsan waxa su’aashu tahay maxa ay ku jeclaatey in ay shaqaaleysiisato qof labor ah oo technician ah oo aan aqoontiisuna ahayn mid aad u fiican iyada oo siisay Supervisor oo ay maanta dhalinyar badan oo kasoo baxay Jaamacaduhu ay baahi Weyn oo shaqo la,aaneed qabaan Iyadoo ay jiraan waliba shaqaale muwaadina oo haysta aqoon sareysa (Degree Level or Master Level), Taas oo ku keena karta in mooralkoodi horumarineed hoos udhoco.
Ninkan sawirkiisa iyo macluumaadkiisa shaqo idiin muuqdo oo magaciisu Yahay (ANWAR SAYEED FAROOQUE) oo ah technician ka shaqaynayey shirkada Shafa Al-Nahda, isaga oo uqaabilsanaa korontada ama Electric-ga ahaana Qof technician ayaa imika marki shaqadii ay ka dhamaatay shirkada uu ushaqaynaayay ee dalka keentay Shafa Alnahda waxa si hoose ulasoo wareegtay dpworld maalinti doorashada ka hor iyada oo laga dhigay shaqaale rasmiya shaqada uu qabanayana ay joogaan shaqaale kaga fiican, iyada oo Somaliland dhalinyartu ay waajahayan xaalad shaqo la’aan ah!
Hadaba maxa ay tahay in wakhtigan kala guur ka ah ee ay dpworld ukeensaneyso shaqaale Ajnabi ah iyadda oo ay jiraan dad uga khibrad iyo waayo aragnimo badan shaqadan dadka Ajaaniibta ah loo qoranayo mase ka war haysaa Wasaarada Shaqada Shaqaaluhu dhacdooyinkan dulmiga ah,
Xubno kamid shaqaalaha muwaadinka ah ee shirkadan DP World ushaqeeya oo warbaahinta usoo dusiyay xogo badan ayaa sheegay inay xuquuqo badan ay leeyihiin oo laga duudsiyay kuwaas oo ay kamid yihiin darajada shaqaalenimo oo kor loogu qaado mushaharaadka oo loo kordhiyo iyo Xuquuqdii caafimaadka ay sheegeen in Dulmi weyn shirkada dpworld shaqaalaha ka gashay kadib markay kusoo koobtay Qofkasta oo xanuunsada ama debed hala geeyo ama dalka halagu daaweeyee inuu leeyahay lacag dhan 7000$ oo kaliya halka ay hore caafimaadka shaqaalaha waxa ku baxaya ay wada bixin jirtay,
maalintii shalay waxa baraha bulshada la soo dhigay Gabadh shaqaale ah oo lagu magacaabo Amran Khayre oo kamid hablaha ku shaqeeya darawalnimada oo wada Jiidayaasha koonteenarada Xambaara oo ka cabanaysa inay xanuunsanayso oo cisbataal debedeed loo diriwaayay mushaharka ay qaadataana uu yarayahay shaqada ay haysaana ay tahay mid haween ahaan ku culus raga Lamidka ah ee shaqada ay hayso hayaana ay ka mushahar badan yihiin.
Hadaba shaqaaluhu waxay ka codsaneynaa Xukumada cusub ee xilka la wareegi doonta 12 December 2024 iyo Mayor ka Magaalada Berbera in ay Arintan soo Faro Galiyaan oo ay waxka qabtaan iyaddoo wadanka ay jiraan duruufo badan oo shaqo la’aaneed iyada oo ay Joogan wadanka dadka ka khibrad wanagsan dadka Ajaaniibta ee ku sugan maanta dekeda magaalada Berbera iyaddoo oo 7-sano ee ay joogtay aanay muwaadiniintu wax horumar ah oo la taban karo aanay ka gaadhin dhinaca Dalacaada shaqada iyo kordhinta mushaharka.
Xigasho shaqaalaha dekeda magaalada Berbera
COMMENTS
|