“Xilka Iyo Waajibka Saaran Madaxwaynaha Doorani Waa Inuu Xasuusto Dadka Shacabka Ah ee Faqriga Iyo Daryeel Xumada La Daala Dhacaya ee Waayuhu Hayo”Garyaqaan Guuleed Dafac
December 7, 2024 - Written by admin
“Intii ololaha lagu jiray suxufi ayaa i waydiiyay waxa ay ku kala duwan yihiin murashaxiinta safka hore ku jira tartanka madaxwaynenimo. Waxa jawaabtaydu ahayd, aydhooloji ahaan wax muuqda kuma kala duwana, balse shaqsiyadda labada murashax ayaa kala duwan (AFP). Labadii shaqsiyadood reer Somaliland way kala doorteen.
Sidaas marka ay tahay, xilka iyo waajibka saaran madaxwaynaha doorani waa inuu xasuusto dadka shacabka ah ee faqriga iyo daryeel xumada la daala dhacaya ee waayuhu hayo. Kuwa colaaduhu ragaadiyeen ee dhibtu haysato. Haddii uu tabaalaha kuwaas maankiisa geliyo, waxa u fududaanaysa in aanu dheg u dhigin tujaarta dhul boobka iyo hanti boobka doonaysa ee ujeedada koowaad ee ay leeyihiin ay tahay in la dhiso gole wasiiro oo tuug ah oo hadhow dalka u booba.
Waxa ay tahay inuu dhiso gole wasirro oo shacabku leeyihiin oo aanu dhisin gole wasiirro oo tujaarta iyo suldaanadu leeyihiin. Kuwa danbe, haba ka qaybqaataan guusha madaxwaynaha-dooran, dantooda iyo danta shacabka Somaliland way is diidan yihiin. Madaxwaynaha cidda uu dhaarta u mari doonaa waa shacabka. Cidda ridi karta ama kursiga ku hayn kartaana waa shacabka. Tujaartu sidii ay Muuse Biixi ba u galeen, maalinta aad sii dhacayso, doonta way ka boodi doonaan si kasta oo aad dhulka ugu boobtid. Inta aad awoodda leedahayna been iyo huuhaa ayay kugu wadi doonaan. Sirtu waa shacabka aan kuu iman karin ee suuqa ka xoogsata, geeljiraha, beeralayda, kalluumaysatada, ardayda, suuqa kuwa ku ganacsadda ee kaaryoonaha wata iyo kuwa la midka ah.
Qaarbaa ku odhan doonaa, hebel haddii aad wasiir ka dhigi waydo, reer hebel ayaa dhiigu ku kacaya. Waa been. Taariikhda ayaa ina bartay inaanu jirin qof reer xukuma. Adeeg wanaagsan oo aad qabatid ayaa wanaajin kara xidhiidhka idinka dhexeeya adiga iyo beelaha. Haddii se aanad waxba qaban, markaas waad u baahanaysaa buundooyin. Kuguma se tuhunsani inaad ujeedo wax qabasho la’aan oo waxa aan aaminsanahay inaad doonaysid inaad wax qabatid. Waxa aan kuu hubaa in shacabku ku taageeri doono haddii aad dhistid xukuumad tayo leh oo aad qabatid wax nolosha dadka wax ka bedela.
Oo maad odayga toos ugu gaysid talada oo ka dayside Facebook-ga. Waa waydiin hore la ii waydiiyay, hadana laga yaabo inay soo noqoto. Madaxwayne Muuse ba halkan uun baan u marin jiray dhaliil iyo talo wixii aan hayo. Sabab aan u kala duwo labada oday garan maayo. Halkii aad hore iigu ogaydeen uun iga fisha.
Waxa Qoray Garyaqaan Guuleed Dafac