Maareyihii Shirkada Laydhka Berbera Oo Toogasho Lagu Dhaawacay
December 8, 2024 - Written by admin
Maareyihii Warshada Laydhka Berbera Cabdi Maxamud Faarax ayaa goordhawayd toogasho lagu dhaawacay.
Toogashada masuulkan shirkada gaarka Loo.leeyahay maamulaayay ayaan sicad loo aqoonsan cida fulisay, waxaana dhaawaciisa lagu dabiibayaa Cisbataalka guud ee Berbera.
Ciidamada Booliska ayaa la wareegay Cisbataalka oo lagu daawaynayo dhaawaca masuulkan waxaanay sidoo kale Ciidamada amaanku wadaan baadhis la xidhiidha cidii falkan gaysatay.
Masuulkan la dhawaacay ayaa kasoo shaqa tagay Dalka Canada ee Waqooyiga America sidoo kalena wuxu kasoo jeeda Beesha Gobolka Sool gaar ahaan Degmada Laascaanod waxaanu kamid yahay saamilayda shirkada korantada Berbera.
Wixii warara ee kasoo kordha kala soco halkan