Madaxweynihii Dalka Suriya Iyo Qoyskiisii oo Magan Galiyo Siyaasadeed Ka Helay Dalka Ruushka
December 9, 2024 - Written by admin
Madaxweynihii Suuriya Bashar al-Assad iyo qoyskiisii ayaa la dejiyey magaalada Moscow ee dalka Ruushka, kadib markii uu magangelyo-siyaasadeed ka helay dalkaasi oo saaxiib dhaw la ahaa mudadii uu xukunka hayey.
Wakaalada wararka Ruushka ee Interfax oo soo xigatay masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Ruushka ayaa xaqiisay warkan, iyadoo arrintana ku soo beegmayso xili ay ciidamada Mucaaridka Suuriya oo u badan dadka Suniyiinta ahi ay taladii dalkaasi maanta la wareegeen, taas oo soo afjartay xukun qaatay muddo 53 sanno ah oo ay qoyska reer Asad ka talinayeen Suuriya