Dhakhaatiirta Ajinabiga Ah ee Dalka Jarmalka Ugu Badan oo Suriyan Ah Iyo Saameynta Ay Dalkaas Ku Yeelan Doonaan Hadii Dalkoodii Dib Loogu Celiyo
December 10, 2024 - Written by admin
Waddankaan Jarmalka waxaa ka shaqeeya in ka badan 5,758 dhaqaatiir Suuriyaan ah.
Waxay ka kala shaqeeyaan ku dhawaad 5 kun oo isbitaal.
Dhaqaatiirta ajnabiga ah ee Jarmalka ka shaqeysa haddii jinsiyad ahaan loo tirakoobo, Suuriyaanka waxay noqonayaan qowmiyad ahaan dhaqaatiir Ajnabi ah kuwa ugu tirada badan ama lanbar koow ah dalkaan Jarmalka.
Su’aasha & doodda celinta Suuriyaanka markii ay shalay bilaabatay, isla markiiba waxaa miiska lasoo saaray tirada dhaqaatiirta Suuriyaanka ah, waxaana la isku waafaqsan yahay haddii ay Jarmalka ka tagaan in isbitaallo badan oo magaalooyinka yaryar ku yaalla ay u darsan doonaan arrinkaas.
Arrinta waxay mareysaa intii dheef leh aan si un ula harno, inta kalena aan iska saarno.