Warka Ceerigaabo & Hub la qabtay! Waxa qoray Jama Feyte.
Puntland oo qabatay hub tira badan oo Gaadhi , Xamuul ah lagu Soo qariyay, waxana lagu qabtay, tuulada Jimbac, dhinaca Bosaaso ayuu ka yimi Sida warka aan ku helay, warar dheeraad ah baa sheegaya inay u socdeen dhinaca Gobolka Sool,
Ragii watay,& Baabuurkiiba waa la xidhay, maadaama aynay sheegin Qorshaha hubka, dhowr Bar oo Kaantarool ah ay ka soo gudbeen.
Maamulka Puntland ayaa dagaal kula jiray Kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab, & Daacish taasi oo khatar ku ah Amniga Gobolka.
Dhinaca kale Shir Nabadeed ay ka furmaya Magaalada Ceelbuh ee Gobolka, Sanaag, Shirkaasi waxa Gogosha dhigay Suldaan S Abdisalaam, (Suldaanka Guud ee Warsangeli) waxana ujeedkiisu yahay in arrimaha Gobolka Sanaag ka soo cusboonaaday looga hadlo Gaar ahaan Colaadaha Degmada Ceerigaabo!
Labaduba waxa la sheegayaa inay Xoojinayaan Nabad-geliyada Gobolka, in kastoo aan la hubin hadana waxa isa soo taraya Warka sheegaya in Madaxweynaha DDS- Mustafe Cagjar uu la xidhiidhay, Odayaasha Gobolka Sool uuna kala halday inay ilaaliyaan kana hor-tagaan inaan colaad kale ka dhicin Ceerigaabo, in kastoo aan la aqoon waxa uu kala kulmay.
Qorshe Deni & Colaada Ceerigaabo!
Puntland marnaba dani uguma jirto Colaad kale & Furin dagaal oo ay dhaqaale ahaan & Siyaasad ahaanba ku Wiiqmayso, waxana la Warinayaan in Madaxweyne Deni uu u sheegay Garaadada Gobolka Sool, inaanay markan Macquul ahayn taageero kale & dhaqaale inay ku bixiyaan Colaada Ceerigaabo, isaga oo ka eegay (1) Puntland oo dagaal adag kula jirta Daacish dhaqaale & Cudud ciidana gaysay Buuraha Gobolka Bari ( B- Deni Madaxweynaha Puntland oo mar labaad doonaya inuu Xamar iska sharaxo isla markaana hadii uu colaad qabiil Abaabulo ay Sumcad ahaan, dhaawac ku tahay, isaga oo aan doonayn lumiyo codadka Xildhibaanada Beelaha isaaq ee Xamar jooga oo ay iminka isku dhinac ka taagan-yihiin Doorashooyinka Soo socda ee Xamar!
Xasan Sheekh M, ayaa kaalinta ugu weyn dhinaca Siyaasiga ah ka taagan ayay falan-qeeyaashu leeyihiin Colaadaha Ceerigaabo, isaga oo diray Fariin ah Khaatumo ma dhamastirna ilaa ay gaadho Ceerigaabo, oo loo Arko ( Political suïcide ) is-Qarxin Siyaasadeed, isaga oo kale laba ujeedo uun! ( 1- inuu home work-Siyaasi ah oo aan dhamaad lahayn u diro Deni kuna Mashquuliyo colaado Beelaysan, 2- isaga oo doonaya inuu ka hor-tago qorshaha Maraykanka ee la doonayo in Aqoonsi looga raadiyo Somaliland, si Sumacada dhinaca Amniga ah looga dilo Somaliland, Xukuumada xamar durba waxay bilaabeen Shaqaalaysiin Xubno abaabulan oo DC degen kuwaasi oo ka hor-taga Qorshaha Congress-ka ee ku aadan Somaliland.