Wasiirka Amniga Gudaha Somaliland Cabdalle Maxamed Carab oo Kulan La Qaatay Wakiilka Somalilan Ufadhiya Dalka Ingiriiska
December 22, 2024 - Written by admin
Wasiirka Amniga Gudaha Somaliland Cabdalle Maxamed Carab ayaa kulan la qaatay Wakiilka Dawladda Ingiriiska u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Ambassador Ilyaas Maahir.
Kulankan oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ku saabsanaa isbarasho iyo soo dhowayn, Safiirka ayaa uga mahadnaqay Wasiirka qaabilaada iyo soo dhowaynta uu u sameeyey Wasiirku, dhinaca kale Wasiirka ayaa u mahadnaqay Safiirka booqashada uu ugu yimi.
Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada Dalka, kuwaasoo ah mid soo jireen ah, sidoo kalena waxay ka wada hadleen wada shaqaynta Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Xafiiska Wakiilka Dowladda Ingiriiska. Waxaa kale oo ka wada hadleen nabadgelyada guud ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo ta Gobolkaba.