Madaxweyne Cirro, oo Tacsiyeeyay Dadkii Shacabka Ahaa ee Ciidamada Liyuu Boolisku Ku Xasuuqeen Deegaanka Dacawalay
December 26, 2024 - Written by admin
Madaxweyne Cirro, ayaa tacsiyeeyay dadkii shacabka ahaa ee Ciidamada Liyuu Boolisku ku laayeen deegaanka Dacawaley ee gudaha Ethiopia.
Madaxweyne Cirro, ayaa xusay in ay dhawrayaan nabadda iyo dariswanaaga waddamada jaarka ah ayna dawladda Federaalka Ethiopia iyo maamulka Soomaalidaba ka wadahadlayaan sidii nabadda looga wadashaqayn lahaa.
Xogtan waxa Warbaahinta la wadaagay afhayeenka madaxtooyada Xuseen Dayr.