Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka Ah ee Wadani Xirsi Cali Xasan oo Hargeysa Ka Dhacay
December 30, 2024 - Written by admin
Maanta magaalada Hargeisa waxa ka dhacay isku-soo-bax Haween hogaaminayey, oo ay kaga soo horjeedeen guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Waddani, Xirsi Cali X. Xassan.
Haweenkaas, ayaa ku eedeeyay guddoomiye Xirsi inuu shakhsiyaad ka mid ah cadowga Somaliland iyo kuwo Somalia ka socday uu Djibouti kula kulmey. Si gaara waxay ugu eedeeyeen inuu si qarsoodi ah ula kulmey madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, oo isna Djibouti gaadhey.
Haweenkaas, ayaa ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah guddoomiye Xirsi, iyagoo madaxweyne Cirro ugu baaqey inuu talaabo ka qaado Xirsi, sida ay hadalada u dhigeen.