Madaxweynaha Dawlada Xamar Xasan Sheekh oo Diyaarsaday Qorshe Uu Ku Curyaaminayo Dhoofka Xoolaha Iyo Dhaqaalaha Somaliland
January 2, 2025 - Written by admin
Afartii bilood e danbeeyay waxaa culays wayni saarna Xoolaha Somalida ee loo dhoofiyo dalka Sucuudi Carabiya,

Madaxwaynaha Dawlada Muqdisho Xasan Sheekh ayaana weerar kusoo qaaday dhoofka xoolaha Somalida isagoo heshiis aan la shaacin la galay Ganacsadaha Yemeniga ah e magaciisu yahay Abu Yasir,kaas oo mudo sanado ah ku dhex jiray Dhoofka Xoolaha Somalida,
Bilowga sanadkan Cusub ee 2025 ayaa la hirgalinayaa heshiiskaasi qarsoodiga ahaa ee Madaxwayne Xasan Sheekh lagalagay ganacsadaha Yemeniga ah e Abu Yasir waxaana kooto loogu xidhayaa dhoofka Xoolaha Somalida ee loo diro dalka Sucuudiga,
