berberatoday.com
Maxaa Sii Hurin Kara Dagaalka Udhaxeeya Xuutiyiinta Iyo Israa’iil.
January 2, 2025 - Written by admin

“Dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta hadda ayuu bilowday,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, wareysi uu siiyay telefishin gudaha ah. Haddaba, hadallada Netanyahu miyay ka dhigan yihiin in cutub cusub oo dagaalka labada dhinac ah uu furmayo?

Sida ay ku warrameen warbaahinta Israel, Israel waxay qorsheynaysaa inay qaaddo weerar “ka sii daran” kuweedii hore oo ay ballaadhiso laguna beegsanayo “bartilmaameedyo.” Xuutiyiinta ah.

Todobaadyadii la soo dhaafay, Xuutiyiintu waxay ku tuurayeen gantaalada riddada dheer habeenno badan, taas oo malaayiin Israa’iiliyiin ah ku qasabtay inay galaan gabaadyo gaar ah.

Falanqeeye siyaasadeed oo Yamani ah, Cabdul Kariim al-Cansi, ayaa sheegay in wargeysyada Israa’iiliyiinta iyo kuwa caalamkuba ay Xuutiyiinta ku tilmaameen “dad cagacad oo soo helay teknoolojiyad casri ah iyo hubab kala duwan.”

Waxa uu intaas ku daray in kooxda Ansar Allah aysan ahayn sidii hore loogu yaqaanay, iyadoo nidaam cusub oo heer sare ah uu ka muuqdo Sanca.

.

Isagoo la hadlayay BBC-da, Al-Cansi wuxuu sheegay in qaab-dhismeedka militariga iyo amniga ee Xuutiyiinta uu noqday mid aad u nidaamsan, oo ay Xuutiyiintu horumariyeen nidaamyada gantaalaha si ay uga hortagaan hub casri ah sida nidaamka gantaalaha THAAD iyo kuwa kale.

Al-Cansi wuxuu intaas ku daray in “sirdoonka Yaman uu gaadhay guulo iyo horumar dhaafsiisan kan sirdoonka Israel,” isagoo xusay in Israel ay bartilmaameedsato meelaha aan muhiimka ahayn, taasoo keentay “jeesjees iyo majaajilo ka timaadda shacabka Yaman,” sida uu sheegay.

Falanqeeye siyaasadeed oo Israa’iili ah, Eli Nissan, ayaa u sheegay BBC-da in inkasta oo dhawaan la sheegay in Xuutiyiintu ay noqdeen kuwo iskood u horumariya hubkooda, taageeradooda ugu weyn ay weli ku tasshadaan waa Iran.

Sidaas darteed, Nissan wuxuu tilmaamayaa doodda ka jirta gudaha Israel ee ah in si toos ah loo weeraro Xuutiyiinta ama la beegsado Iran oo uu ku tilmaamay, “madaxii bahal lugu badane oo kale ah.”

Nissan wuxuu intaas ku daray in waxa maanta hadhay ay tahay “kaliya furinta Yaman,” taas oo salka ku haysa in Israel, iyadoo ay ka go’an tahay dhammaan awoodaha siyaasadeed iyo millatari, ay ku mashquuli doonto wax ka qabashada Xuutiyiinta inta lagu jiro xilliyadan, sida uu sheegay Nissan.

Dhawaanahan, waxaan aragnay hawlgallo millatari oo lala beegsaday hogaamiyeyaal muhiim ah oo ka tirsan Lubnaan iyo Suuriya, iyo sidoo kale dilalka hoggaamiyaasha Xamaas ee Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed.

Israel ayaa qiratay qaar ka mid ah hawlgalladan, halka ay ka aamustay ama beenisay kuwa kale.

Falanqeeye Eli Nissan ayaa sheegay in Israel ay haysato xog iyo awood milatari oo ku filan si ay ula tacaasho hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta, isagoo xusay in “xisaab cusub ay ka dhaxeyso Israel iyo hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta.”

Nissan wuxuu tilmaamay in Xuutiyiintu ay aaminsan yihiin in masaafada 2,000-km ee u dhaxeysa Israel iyo Sanca ay tahay caqabad dheeri ah marka loo eego xog-uruurinta iyo ogaanshaha hoggaamiyeyaashooda.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, iyo Wasiirkiisa Difaaca, Israel Katz, ayaa hanjabaad u jeediyay hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta, iyagoo sheegay in Israel aysan kaliya diyaarado u diri doonin si ay u bartilmaameedsato xarumaha madaniga ah iyo kuwa amniga ee Xuutiyiinta, balse ay sidoo kale raadin doonto xogta meelaha ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaashooda si loogu bartilmaameedsado si toos ah.

Falanqeeye siyaasadeed Cabdul Kariim Al-Cansi ayaa ka soo horjeeda aragtidan, waxa uuna aaminsan yahay in qalabyada Netanyahu u adeegsaday Lubnaan ama Dimishiq, sida “basaasnimo,” aysan ku habboonayn Xuutiyiinta, iyadoo la tixgelinayo qaab-dhismeedkooda aadka u adag ee dhanka amniga, millatariga, qabiilka, iyo ururka.

Intaas waxaa dheer, Al-Cansi wuxuu tilmaamayaa in dhinaca juqraafiyeed uu door muhiim ah ka ciyaarayo khilaafka Israel, wuxuuna wariye Wahib Al-Nasari ku raacsan yahay, isaga oo sheegay in xaaladda Yemen ay gebi ahaanba ka duwan tahay tan Lubnaan, sababtoo ah Hezbollah-da Lubnaan waxay ku sugan yihiin aagagga xuduudaha la leh Israel.

Falanqeeye siyaasadeed Amer Al-Sabaila ayaa sidoo kale tilmaamay in “macluumaadka xog la’aaneed” oo uu la xidhiidhiyey bartilmaameyda muhiimka u ah israel aan weli la arkin wax hawlgallo ah oo saamayn leh oo dhaca, kuwaas oo bartilmaameedsada Xuutiyiinta.”

Tani waa waxa Al-Nasari ku tilmaamay, iyadoo inta badan weerarrada ay Israel fulisay aysan lahayn saameyn milatari, balse ay bartilmaameedsadaan xarumo muhiim ah sida dekadda Hodeidah, oo mas’uul ka ah maraakiibta raashinka ee u gudbaya shacabka Yemen, gaar ahaan aagagga ay Xuutiyiintu haystaan.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews