|
berberatoday.com
Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland oo Kulan La Qaatay Madaxa Xafiiska Qaramada Modoobay ee Hargeysa
January 7, 2025 - Written by adminWasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramadda Midoobay u fadhiya magaaladda Hargeysa ee caasimadda JSL, mudane Nikolai Rogosaroff, kulankaas oo isugu jirey isbarasho iyo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka iyo wada-shaqaynta labada dhinac ee Qaramada Midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankaas waxa wasiirka ku weheliyey Agaasimaha-Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, mudane Ahmed Abokor Mohamed.
COMMENTS
|
||||
|