“Shalay Waxa La Magacaabay Badhasaabo Iyo Kuxigeenno. Kuwii Hore Ujoogay, Miyay Is-casileen? Miyaa La Eryay? Miyay Dhinteen? Mise Waa Lagu Dul Magacaabay oo Gobol Waliba Laba Badhasaab Ayuu Yeelanayaa?
January 12, 2025 - Written by admin
“Shalay waxa la magacaabay badhasaabo iyo ku xigeenno. Kuwii hore u joogay, miyay is-casileen? Miyaa la eryay? Miyay dhinteen? Mise waa lagu dul magacaabay oo gobol waliba laba badhasaab ayuu yeelanayaa?
Wasiiradu waxa ay si toos ah (automatic) u raacaan madaxwaynaha magacaabay oo haddii u dhaco way la dhacaan. Madaxda intooda kale waxa ay xilka ku waayi karaa is-casilaad, eri, geeri, ama si kale oo xeer jideeyay in xilku ku banaanaado. Meel aan qofkii joogay xilka laga eryin, qof kale looma magacaabo.
Laba mid uun baa la yeelaa:
1. Waraaqda masuulka cusub lagu magacaabay ayaa lagu tilmaamaa habka uu ku banaanaaday xilku; ama
2. Waraaq kale ayaa lagu eryaa ama lagu tilmaamaa habka uu xilku ku banaanaaday.
Inta aan ogahay madaxdii hore arinka labaad ayay isticmaali jireen. Waraaqda eriska ah iyo ta magacaabistu way soo kala bixi jireen, inta badan isla hal mar.
Waxa Qoray Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac Dafac