Somaliland Iyo Imaraadka Carabta oo Ka Wadahadlay Horumarinta Arrimaha Madaarrada Iyo Hawada Somaliland
January 18, 2025 - Written by admin
Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda Somaliland Fuaad Axmed Nuux, ayaa maanta kulan kula qaatay Xafiiskiisa wakiilka Emirate-ka Carabta u fadhiya Somaliland Ambassador Abdullah Muhammad Al Naqbi, waxaanay ka wada hadleen xidhiidhka iyo iskaashiga Somaliland iyo Emirate-ka Carabta ee dhinaca Duulimaadyada iyo Horumarinta Madaaradda. Wasiirku wuxuu u xaqiijiyay in Qaran ahaan Somaliland diyaar u tahay Xoojinta Iskaashiga labada dal ee Duulimaadyada, Horumarinta Madaaradda iyo wadaagista aqoonta Aviation-ka.
Ambassador Abdullah Al-Naqbi wuxuu isaguna dhinaciisa xaqiijiyay in Emirate-ku diyaar u yahay inuu Somaliland kala shaqeeyo Horumarinta Adeegyada Duulimaadyada iyo Casriyaynta Madaaradda.