Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Horumarinta Reer Miyiga oo Toobabar Ufuray Shaqaalaha Waaxda Caafimaadka
January 19, 2025 - Written by admin
Wasiir Cumar Shucayb Maxamed ayaa Tababar u furay, Shaqaalaha Caafimaadka ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL.
Tababarkan oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa ku saabsan sida loo ilaaliyo Caafimaadka iyo Nadaafada hilibka, Neefka la qalayo, meesha lagu qalayo ilaa miiska lagu iibinayo Hilibka.
Wasiirku wuxuu Aggaasimaha Waaxda Caafimaadka ku amaray in xubnaha ka qaybgalaya tababarka ay noqdaan shaqaalaha joogtada ah ee Waaxda caafimaadka Xoolaha.
Tababarkan ayaa muhiima u ah ilaalinta Caafimaadka Xoolaha la qalayo iyo ilaalinta Nadaafada Hilibka.