Dagaal Udhexeeya Jabhad Iyo Ciidamda Dawlada DR Congo oo Dalkaas Ka Socda Khasaare Badana Sababay
January 28, 2025 - Written by admin
Dagaalo culus oo u dhaxeeya dagaalyahanada M23 iyo ciidamada dowlada Congo ayaa ka socda magaalada Goma oo dhacda bariga jamhuuriyada dimuquraadiga ee Kongo, waxaana dagaaladaasi ay sababeen qasaaro xooggan. Joobjoogayaal ayaa sheegay in meydad badan ay daadsan yihiin wadooyinka, iyadoo isbitaalada ay la tacaalayaan dhaawacyada iyo tirada dhimashada ee isa soo tareysa.
Magaaladaa caasimadda ah ee Kinshasa, dibadbaxayaal caraysan ayaa weeraray safaaradaha Rwanda, France, Belgium iyo Mareykanka Talaadadii maanta.
Koongo waxaa ku nool Soomaali badan, waxaa si joogto ah taga gaadiidlayda Soomaaliyeed oo badeecadaha ka qaada Kenya, Uganda, iyo Tansaaniya. Maadaama dalku uusan lahayn Dekad waxa uu ku tiirsanyahay badeecadaha laga qaado Mombassa iyo Daarusalaam. Gaadiidka badeecaha qaada Soomaaliya ayaa leh.
Soomaaliya dalkaas kuma lahan safaarad. Ganacsiyo waawayn oo Soomaaliyeed ayaa dalkaasi ku yaalla. Sidaas darteed waxaa muhiim ah in dowladu si dhaw ula socoto dagaalada ka dhacaya DRC, kana shaqayso badqabka muwaadiniinta intii suurtagal ah. Halka Soomaalida ku noolna ay tahay in ay noqdaan kuwa taxadar badan muujiya.