“Madaxweyne Cirro Sagaal Sano Ka Hor Wuxu Diidanaa Heshiiska DP World, Maantana Safarkiisii Ugu Horeeyay Imaaraadka ayuu ku joogaa”Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac(Rambo)
January 28, 2025 - Written by admin
“Madaxweyne Cirro Sagaal Sano Ka Hor Waxa uu diidanaa Heshiiska DP World, Maantana Safarkiisii ugu horeeyay Imaaraadka ayuu ku joogaa” Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo)
“Madaxweyne C/raxmaan Cirro ayaa ka soo horjeestay heshiiska dekeda Berbera ee ay wada galeen Somaliland iyo DP World wuxuuna dalbaday in Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo lagu soo oogo dacwad ku saabsan heshiiskii uu la galay Imaaraadka Carabta.
Sagaal sano ka dib, Cabdiraxmaan Cirro waxa uu safarkiisii ugu horeeyey ee madaxweynenimo ka bilaabay Imaaraadka, taas oo ka hor imanaysa mawqifkii dheeraa ee uu ka qaatay Imaaraadka iyo maalgashiga Somaliland.
Tani waxay muujinaysaa joogtaynta iyo saadaalinta la’aanta kuwaas oo muhiim u ah xidhiidhka dibadda iyo diblomaasiyadda.
Isla dhacdadan oo kale ayaa
Iyana dhacday markii xisbiga Waddani uu dhaliilay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan ka dib markii debecsanaan u muujiyay Shiinaha. Hase yeeshee, Cabdiraxmaan markii uu xafiiska yimid, wuxuu u magacaabay wakiilka Somaliland ee Tawain, wuxuuna u dhiibay faylalka ku saabsan xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan. Siyaasadda arrimaha dibadda ee Madaxweyne Cabdiraxmaan ma cadda, waana mid lama filaan ah, oo aan jiho lahayn, waxaanay taasi halis galinaysaa xidhiidhka dheer ee Somaliland la leedahay wadamada muhiimka ah sida UAE, Ethiopia, iyo Taiwan”
W/Qoray Xildhibaan Mohamed Hussein Jama-Rambo