Dawlada Finland oo Sheegtay Inay Soo Celinayso Dadka Somalida Ah ee Bilaa Sharciga Ku Jooga Dalkaas
January 29, 2025 - Written by admin
Dawladda Finland ayaa sheegtay in ay Soomaaliya u soo celinayso deeqihii ay ka jartay haddii ay dawladda Soomaaliya ogolaato in la soo tarxiilo dadka Soomaalida
ah ee aan sharciga haysan. Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalka Finland Meri Rantanen oo toddobaadkii hore booqasho ku tagtay Soomaaliya ayaa sheegtay in ay kulan la qaadatay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Wasiirka Amniga Fartaag, kuwaas oo ay kala hadashay in xal loo helo Soomaalida sharci darrada ku ah Finland.
Gabadhan oo ka tirsan xisbiga midigta fog ayaa sheegtay in ay wax waliba ku xidhan yihiin Soomaaliya oo aqbasha in dadkeeda loo soo celiyo. Sidoo kale xubnaha xisbiga Midigta fog ee dalka Finland ayaa Wasiiradda ku ammaanay dedaallada ay ku bixinayso in dib loo celiyo Soomaalida sharci darrada ah taas oo ay ku xidhan tahay wada shaqayn ay la yeeshaan dawladda Soomaaliya.
Xisbiga Midigta fog ee dalka Finland ayaa doonaya in uu talada dalkaas si buuxda ula wareego bisha April oo doorasho loo dareeri doono taas oo abuurtay walaac ka dhan ah soo gelootiga iyo bixinta deeqaha Caalamiga maaddama oo laga cabsi qabo in uu dalkaasi qaado waddo la mida midda madaxweyne Trump.