“Waxan Ahay Gabyaa Iyo Macalin Muddo badan Ereygiisa U Adeegsanayey Helitaanka Nolol Sharfan oo Uqalanta Dadkiisa. Taagi Meel Ay Idhigtaba, Weligay Gorgortan Kama Gelin Udamqashada Dadkayga, Hadii Wed Idaayo Waxan Isu Soo Taagayaa Doorashada Golaha Wakiilada 2026-ka”Abwaan Xasan Daahir Weedhsame
January 30, 2025 - Written by admin
“Waxan ahay gabyaa iyo macalin muddo badan ereygiisa u adeegsanayey helitaanka nolol sharfan oo u qalanta dadkiisa. Taagi meel ay i dhigtaba, weligay gorgortan kama gelin u damqashada iyo la damqashada dadkayga. Waxseen dareemay in aanay ereyo qudhi ku filnayn is-bedelka nololeed ee hammigaygu rabo inu hirgalo, fikirka aan xambaarsanahayna u baahan yahay inan ficil ku ladho. Sidaas darteed, Haddii wed i daayo, waxan isku soo taagi doonaa doorashada golaha wakiilada ee 2026-ka ka dhici doonta Somaliland.
“ سَتَجِدُنِي إِن شَاءَ اللَّهُ مِنَ الصَّالِحِينَ ”