berberatoday.com
Xamaaliinta Dekeda Berbera oo Lacag Uga Xaniban Tahay Waraaq Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro Shirkada Dp World Ka Sugeyso.
January 31, 2025 - Written by admin
Geelayaasha ka xamaasha Dekada Berbera ayaa cabashadoodu taagnayd sanadihii udanbeeyay waxaanay xubno kamid ahi warbaahainta usheegeen in Markabka qamadiga ukeena Warshada Alwadniya ee samaysa Daqiiqda xili kasta oo uu yimado muran la galiyo dhididka Xamaaliinta dekada Berbera,
Mulkiilayasha shirkad Alwadaniya ee warshda daqiiqda ayaana mar walba ku doodayay in Geelaha Berbera { Xamaaliinta} aanay wax shaqo ah uqaban oo qalab ay leeyihiin shaqada qabto, Halka Geelaysha Dekada Berberina ku doodayeen in shaqadooda ay qabsadaan xaqna uleeyihiin in ay helan dhididkooda, Hadaba khilaafkaasi oo marmarka qaarkood faraha ka bixi gaadhay ayaa shirkada Alawadniya waxay furteen Maxkamad ay kaga dacwoonayaan lacagta looga qaado xamaal ahaanta ee markabka qamadiga ukeena Dejintiisa taasi oo mudo soo jiitamaysay
Dawladii Hore e Madaxwayne Muuse Biixi ayaana lacagta ay soo dalacdeen shirkada Alwadaniya e Maxkamada gobolka Berbera u xukuntay oo dhamayd &94500 oo doolar ayaa &370,000 waxaa Bixisay Xukuumadii hore , Sida illo wareedyo ay warbaahinta usheegeen Xukuumada Cusub ayaa balan qaday in lacagta inta hadhay ay Bixiso Kadibna shirkada Dp World qalabkeeda Dejinta ahi uu qabto Adeegaasi waxaanay keensatay qalab cusub oo hada shaqeeya waxaana Madaxweyne Muuse Biixi amray in meeshana laga saaro qalabkii Shirkada Alwadaniya ee ay wax ku rogan jirtay,
Dabcan hadaba waxaa xiligan taagan in markabkii udanbeeyay ee qamadiga keenay oo 45 maalmood kaharo laga Rogay qamadaigii inaan wali lacagtii xamaaliinta aan la bixin taasi oo cabasho wayn ay ka qaban xamaliinta Dekada Berbera , Sida la ogyahayna xamaliinta Dekada Berbera waa garab rarato aan raasamaal lahayn ama dhigaal waxooduna waa yoomka waxay shaqaystaan
Ilo Wareedyo lagu kalsoonan karo ayana warbahinta usheegay in mamulka shirkada Dp World sababta ay hakadka ugaliyeen lacagtaasi ay tahay in ay Qoraal rasmiya ka sugayaan Xukumada Cusub ee Somaliland Bixinta ama damaanad qaadka Lacagta dhiman ee xukumadii hore qaybta bixisay taas oo dhan &560,000 oo doolar oo Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro afka ka balan qaaday ilaa hadana aanu qoraal rasmiya ka samynin.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews