Loolan Adag oo Loogu Jiro Mayernimada Berbera Iyo Xildhibaanada oo Lakala Hororsanayo
February 1, 2025 - Written by admin
Magaalada Berbera waxa labadii maalmood ee udambeeyay laga dareemayaa guux la xidhiidh Kalfadhiga aan caadi ahayn ay yeeshaan Xubnaha Golaha Deegaanka Berbera kaas ay Dabada ka riixayaan Xildhibaano Isbedel Doonaya oo taabacsan Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf oo kamid ah Gudoomiye Kuxigeenada Xisbiga Wadani Xubin firfircoona ka ahaa Masuuliyiintii Kasoo jeeda Gobolka Saaxil ee isbedelka Dhaliyay halka Mayer Cabdishakur Cidin-na ahaa masuuliyiintii sida weyn Ugu ololeeyay Xisbigia Kulmiye Islamarkaana dhisaayay Mdaxaweyne Muuse Biixi Cabdi Doorashadana lagaga adkaaday,
Labada dhinac ee ku loolamaya kursiga Degmada Berbera usareeya ayaan dhinac kastaa sheeganayaa inay haystaan Aqlabiyada Xildhibaanada Golaha, waxa kaliya ay Sugayaan ay tahay Fadhiga golaha codna Lagu kala bixi doona, waxase muuqata in Xaaladu kacsantahay oo ay daruuri tahay in Fadhigaasi qabsoomi doono laguna kala Calaf qaadi doono Maalmaha soo socda Inkastoo aan la cayimin wakhtiga.
Geesta kale shacabka Berbera ayaa udheg taagaya halka loolankani ku dambayn doono.
Mayerka hadda Cabdishakuur Cidin ayaa laba Jeer oo kala dambeeyay soo hgaamiyay golaha isagoo markii ugu horeysay Mayernimada loo doortay 20 December 2012 halka markii labaad waxa dib Mayernimada loogu doortay 15 June 2021 waxaanu golaha deegaanka Berbera soo hgaaminaayay mudo 12 Sanadood, waxaana Muuqda oo cad wuxu qabtay iyo wixii qabyo ahi Mudadaas uu Duq Degmada Berbera ahaa.