Xisbiga Kulmiye oo Xaqiijiyay In Ciidankii Ilaalada U Ahaa Madaxweynihii Hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi Dhamaan Laga Qaaday oo La Geeyay Madaxtooyada
February 5, 2025 - Written by admin
Xisbiga Kulmiye ayaa xaqiijiyay in dhammaan ciidankii ilaalinayay madaxweynihi hore ee Somaliland Muuse Biixi, xukuumaddu galabta ka qaaday oo lagu soo celiyay madaxtooyada.
Kulmiye ayaa sheegay in shacabka Somaliland ilaashan doonaan madaxweynahoodii hore kadib markii laga qaaday ciidamadii dawladda.
Kulmiye ma sheegin sababta Ciidamada looga qaaday balse wararka hoose ayaa sheega in xukuumadda Waddani ka xanaaqday ciidamo farobadan oo Biixi sii galbiyay todobaadkan mar uu ka dhoofayay madaarka Hargeysa.
Berberatoday.com