Jabhada RSF ee Ka Dagaalanta Sudan oo Ku Dhaw In Laga Saaro Guud Ahaan Dalkaas
February 6, 2025 - Written by admin
Kooxda RSF ayaa lagu burburiyay dagaalka ka socda Suudaan, waxayna ku dhowyihiin inay si dhammeystiran uga baxaan magaalada Khartuum, taa oo gaarsiinaysa guushii u sarreysay ciidanka militariga Suudaan ee hadda ku sugan koonfurta iyo koonfur-bari Khartuum, kaddib markii aya dhawaan la wareegeen caasimadda gobolka Jasiira.
RSF, waxay u muuqataa inay qaadatay siyaasad dib u gurasho, iyagoo hadda la arkayo inay aag difaac u adeegsan doonaan aagga warshadaha ee Giad oo 80 km koonfurta uga beegan Khartuum.
Waxaa hoos u dhacday taageerradii ay heli jirtay RSF, halka militariga Suudaan ay kaalmo militari ka heleen; Ruushka, Turkiga , Sacuudiga , Masar iyo Iran , taa oo xoojisay awoodooda militari ee ay ku burburinayaan saldhigyada militari ee RSf oo ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.