Mashruuca Free Zone-ka Aaga Cashuuraha Ka Caagan oo Fashilmay”W/Q Axmed Cabdi Muuse
February 9, 2025 - Written by admin
Mid ka mida mashaariicda fashilmay waxa ka mida Aaga Cashuuraha Ka Caagan (Freezone) ka oo qorshihii loo maalgaliyey ahaa In Ay soo Degaan Shirkadaha waawayn Ee Dunidu oo ay ka kiraystaan Bakhaarada oo ay buuxsamaan badeecada taala Dalalka Jaarkuna ka iibsadaan products ka yaala Bakhaarada si ka dhoow suuqyadii fogaa ee debada ama Laga kireeyo Dhulka oo ay ka dhistaan Wershado siibay usii farsameeyaan waxsoo saar ay sii dhoofiyaan,
Laakiin ujeedkaas lama gaadhin shirkadihii soo dalbaday Liisamada intoodii badnayd way ka laabteen dalabkoodii qaarkood na waxay kasii kireeyeen WFP si ay raashinka gargaarka ah u dhigtaan oo ay ugasoo noqoto lacagtii ay sii qadimeen sida Shirkada BMMI oo lagu qasbay awaamir dano shiqsi ah.
Hadii mashruucani siday tahay u shaqayn lahaa Wasarada maaliyaduna wixii ku xidhan dhamayn lahayd Qoladii maamulka looga dhigay ee la degtay na suuqgayntiisa tacab badan gelin lahayd wuu shaqayn lahaa.
Laakiin nasiib daro labadii masuul ee maamulka ka ahaa ataa si shiqsi ah,shuruudo danaysiya ah oo ku qasbaya shirkadaha waxaan xaq loogu lahayn cid kastoo timaada ku qasbay in aanay dub ugusoo noqon.
Waxaan Rajaynayaa in Madaxwaynaha qaranku Md.Dr. Cabdiraxmaan Cirro dhakhso ugusoo magacaabo masuuliyiin hanata oo aan dano shiqsi ah ku baadin shirkadaha danaynaya.