berberatoday.com
Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro oo Komishanka Doorashooyinka Qaranka u xaqiijiyey Inay Doorashooyinku Ku Dhici Doonaan Waqtigii Loo Muddeeyey .
February 10, 2025 - Written by admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiramxaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayo Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Maxamed Aw Cali Cabdi ayaa maanta (10.02.2025) kulan muhiim ah la qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ).
Kulankani wuxuu ahaa kii ugu horreeyey mudadii uu Madaxweynuhu xilka dalka hayey, Madaxweynaha ayaa KDQ uga mahad celiyey booqasho-hawleedka ay ugu yimaadeen Madaxweynaha.
Kulanka ay Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) la qaateen Madaxweynaha ayaa ahaa is-xog waraysi iyo ka wada tashi arrimaha doorashooyinka isku-sidkan ee inagu soo fool leh, 31.05.2026-ka, waxayna Madaxweynaha uga mahad celiyeen kulanka uu la qaatay.
Komishanku waxa ay Madaxweynaha war bixin guud ka siiyeen habsami-u-socodka hawlaha ay KDQ uga wakiilka yihiin Qaranka Somaliland. Komishanku waxay Madaxweynaha u sheegeen in ay soo gaba-gabeeyeen daraasad qoto dheer oo la xidhiidha dib-u-eegida doorashooyinkii ina soo dhaafay (Post Election Review) iyo ka talo bixinta arrimaha u baahan in la saxo.
Sidoo kale, Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay Madaxweynaha kala hadleen diyaarinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyin isku-sidkan ee inagu soo fool leh.
Madaxweynaha ayaa KDQ ku amaanay hirgelinta Doorashadii Xasaasiga ahayd ee Madaxtooyada ee ka qabsoontay dalka 13.11.2014. Madaxweynuhu wuxuu KDQ u sheegay in ay muujiyeen hawl-karnimo, xil-kasnimo, bisayl iyo adkaysi ay ugu jilib dhigeen in masuuliyaddii doorashooyinka Madaxtooyadu ay ku dhammaatay guul.
Madaxweynuhu wuxuu Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) u sheegay in ay dib u eegis iyo daraasaadba ku sameeyaan wixii khaladaad iyo caqabado ah eek a soo baxay doorashadii ina dhaaftay, sida looga bixi karo laguna sixi karo caqabadahaa iyo duruusta aynu ka baran karno si aynu mustaqbalka uga digtoonaano caqabadaa iyaga ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu KDQ u xaqiijiyey in uu fulayo ballanqaadkii uu Madaxweynuhu la galay Ummadda JSL ee ahaa in aanu jiri doonin dib dhac ku yimaada Doorashooyinka, sidaa darteedna ay Doorashooyinka isku-sidkan ee inagu soo fool lihi ay, Idamka Allah ku qabsoomi doonaan xilliga loo muddeeyey, taasoo ah 31/05/2025-ka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu KDQ u sheegay una ballan qaaday in Xukuumadda Wadajir iyo Wax-qabad ee uu gadh-wadeenka ka yahay ay diyaar u tahay in ay bixiso wixii dhaqaale ah ee ku baxaya qabsoomidda Doorashooyinka.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu KDQ u sheegay in ay qayb iyo hormoodba ka noqon doonaan dib-u-habaynta lagu samayn doona hannaanka doorashooyinka dalka iyo weliba dib u eegidda qaabka diwaangelinta codbixiyeyaasha.
Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu KDQ faray in ay soo diyaariyaan khariidaddii iyo qorsihii Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Degaanka (Election Road Map), doorashooyinkaa oo dalka ka qabsoomi doona 31/05/2025-ka.
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐀𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews