Xanuunka Kansalka oo Fara Baas Kuhaya Shacabka Somaliland Iyo Cilmi Baadhis La Sameeyay oo Daboolka Ka Qaaday Siduu Ugu Dhex Faafayo Bulshada
February 12, 2025 - Written by admin
Cisbitaalka weyn ee Hargeysa ayaa sheegay in sannadkii dhammaaday ee 2024 dadka gaadhaya 680 bukaan cisbitaalku ka baadhay Cancer, waxana laga helay 182 ka mid ah.
Tirada bukaanada laga helay xanuunka cancerka 100 ka mid ah waa dumar, halka 82 kamid ahina rag yihiin.
Nooca ugu badan ee xanuunka ee laga helay waaka ku dhaca Hunguri caska (Esophagus), Halka nooca labaad ee ugu tirada badani yahay ka kudhaca Naasaha (Breast cancer).