Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro Oo Wareysiy Bada Siiyay Warbaahinta caalamka Ugu Afka Dheer
February 14, 2025 - Written by admin
Madaxweyne Cirro ayaa la hadlay inta badan Telefishanada iyo jariiradaha caalamka ugu afka dheer intii uu ku sugnaa shirkii ka dhacay Imaaraadka Carabta Worlad Sumit kuwaas oo qaarkood la yeeshay waraysiyo
Warbaahinta ayaa aad u dananaysa inay wax ka ogaadaan muhiimadda Juqraafi ee ay leedahay Somaliland gaar ahaan dekadda Berbera iyo saamaynta ay ku leedahay marinka muhiimka ah ee Baabul Mandeb.
Madaxweyne Cirro ayaa qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland si weyn kor ugu qaaday intii u sugnaa shir kii Imaaraadka, waana markii u horreysay ee ay heerkan gaadho qadiyada Somaliland sideedii sano ee lasoo dhaafay.
Madaxweynaha ayaa lagu tilmaamay in uu yahay siyaasi deggan oo aragti dheer, aqoon xeel dheerna u leh diblumaasiyadda.