berberatoday.com
Qorshe Dawlaha Somaliya Iyo Jarmalku Doonayeen Inay Dadka Somaliyeed Kusoo Celiyaan Somaliya oo Fashilmay
February 27, 2025 - Written by admin
2 saacadood kahor warbixin lagu soo qoray Bild.
Filinkii dad u tarxiilidda Soomaaliya oo fashilmay.
Ballantii Scholz ee dhankaasi ahayd oo burburtay.
Waa sida ay dheheen.
Waxay sheegeen inay adag tahay in Soomaaliya dad lagu celiyo, tijaabiyeen, tijaabadana adag tahay.
Waxay sheegeen in dowladda Soomaaliya aysan sahal usoo saarin ama fududeyn warqadaha celinta, haddii ay soo saarayaanna qofka la tarxiilayo un ogolaansho la waydiiyo.
Waddankaan Soomaalida aanan sharciga weyn heysan waxay ku sheegeen 65,000 qof, inta danbiilayaasha ah 3,273 ayay gaarayeen ayay dheheen. Intaasi xataa qofkii la rabo lama celin karo.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jarmalka waxay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu wada shaqeyn dhow ballan qaaday, weli fikir iyo talo is waydaarsi ay socoto, xaaladana la hagaajin doono.
Afhayeen u hadashay Wasaaraddaasi ayaa tiri:
„Ein Rückübernahmeabkommen besteht nicht.“
Ma jiro wax heshiis dhanka dad dib u celinta ah.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Sooshiyaalka ee gobolka Schleswig-Holstein ayaa yiri:
Marka la eego xaaladda taagan illaa iyo bilaawga sanadka, waxaan kula wadaagi karaa inaanan la suura gelin karin in dad qaab xoog ah Soomaaliya loogu celiyo, heshiiska dib u celinta ah oo meesha ka maqan awgeed.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Hessen waxay sheegtay in Soomaaliya aysan sameyn dokumentiyadii dadka lagu celin lahaa, ama qofkii la tarxiiliyay in dowladda Soomaaliya ay waydiiso inuu iskiisa u laabanayo oo ogolaanshihiisa ay waydiiso. Duruufta ama xaalladda noocaasi oo kale ah markii ay jirtana arrinkaas lama dhaqan gelin karo, ayay dheheen.
Waa sheeko dheer.
Dhibka dhanna waa dadka gacmaha ka fudud ee danbiilayaasha ah, ee madaxooda tarxiilka loo raadiyo, wadadooda haddii ay furantana ay ku xigsan kari lahaayeen dad nabaddoono ah oo balse sharci la’aan ah.
Balse hadda xilligaan xaaladdu waa sidaas, oo tarxiilka Soomaaliya uma sahlana Jarmalka.
Dowladda Soomaaliya Jarmalka way u af macaaneysay, Jarmalkiina wuu yaabsan yahay.
Barqo wanaagsan – Ahmed Kadiye
May be an image of 2 people

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews