Raisal Wasaaraha Itoobiya Abyi Ahmed Ali oo Hada Muqdisho Kadagay
February 27, 2025 - Written by admin
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed ayaa saaka ka degay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaan garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.
Jidadka Muqdisho ayaa xidhan maanta booqashada Abiye Awgeed.
Booqashada Abiye Ahmed ayaa dabasocota Booqashadii uu Madaxweynaha Soomaaliya ku Tagay Addis Ababa, si looga wada hadlo khilaafkii ka abuurmay Isfahamkii arrimaha badda ee dhexmaray Dawladda Somaliland iyo Ethiopia.