Warbaahinta Caalamka oo Faalaysay Sababta Madaxweyne Trump Bahdilka Ugu Sameeyay Madaxweynaha Dalka Ukrain Volodymyr Zelensky
March 1, 2025 - Written by admin
Sida warbaahinta caalamku qorayso waxyaabaha madaxweyne Donald Trump ka xanaaqay ay ka mid tahay in Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy aanu suudh u soo gashan booqashadiisa aqalka cad balse uu xidhnaa dhar ciidan.
Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa wajahay su’aalo iyo dhaleecayn ku saabsan xidhashadiisa dharka militeriga intii uu ku sugnaa Aqalka Cad.
“Maxaad suudh u xidhan weyday? Waxaad joogtaa xafiiska ugu sarreeya dalka, balse waad diiday in aad suudh xidhato. Keliya waxaan rabaa in aan ogaado—suudh ma leedahay?” ayuu weydiiyay Brian Glenn, oo ah falanqeeye ka tirsan warbaahinta Real America’s Voice.
“Waxaan suudh xidhan doona marka dagaalku dhammaado ” ayuu yidhi Madaxwayne Zelenskyy.