Gacan Ku Dhiiglayaal Dhawaan Dilal Ku Khaarajiyay Laba Sarkaal oo Ciidanka Booliska Somaliland Katirsan oo Saaka Dil Qisaasa Lagu Fuliyay
March 8, 2025 - Written by admin
Xukumadda Somaliland ayaa Saaka Fulisay Qisaasta Labadii Gacan ku Dhiigle ee Dilalka Gaystay.
Duleedka Xabsiga Mandheera waxa saaka laga fulinayaa qisaasta gacan ku-dhiigleyaal xukuno dil ah oo lagu xukumay uu shalay qalinka ku duugay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.
Gacan ku dhiigleyaasha xukunka qisaasta ah lagu fulinayo, waxa gacmahooda ku baxay Taliyihii Saldhigga Booliska Maxamed Mooge Marxuum Gaashaanle Cabdi Cali Nuur iyo Askari Buux Mawliid Ismaaciil oo Gabiley lagu dilay kana tirsanaa Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ee gobolka Gabiley.