Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland oo Dhagax Dhigay Dhisme Cusub Uu Yeelan Doono Maamulka Gobolka Sanaag
March 11, 2025 - Written by admin
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa oo dhagax dhigay dhisme cusub oo uu yeelan doono Maamulka Gobolka Sanaag, kormeer-na ku soo maray Cisbitaalka Ceerigaabo iyo Xabsiga Dhexe.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftigii ballaadhnaa ee u hogaaminayey oo wali socdaal shaqo ku jooga Magaalada Ceerigaabo ayaa saaka soo kormeeray Xabsiga Dhexe ee Gobolka Sanaag iyo Qaybaha kale duwan ee u ka kooban yahay Cisbitaalka Ceerigaabo.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa u kuur galay xaaladda Cisbitaalka Iyo Xabsiga Dhexe ayaa soo indha-indheeyey xaalada dhabta ah ee halkaasi taala. Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa,halkaasi ka ballan qaaday in ay Xukuumaddu si deg dega ah wax uga qaban doonto baahiyaha ka jira Gobolka.
Madaxweyne ku-xigeenka waxa kormeerkiisa ku wehelinayey Wasiirka gadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Maamulka Gobolka Sanaag, ka Degmada iyo Masuuliyiin kale.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sidoo kale dhagax dhigay Dhisme cusub oo loo dhisi doono Maamulka Gobolka Sanaag.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer uga war bixiyey ujeedada kormeerkiisa, waxana uu mar kale bulshada reer Sanaag u xaqiijiyey in Xukuumadda WADA-JIJR Iyo WAXQABAD ayvdiyaar u tahay horumarinta iyo wax ka qabashada baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira Gobolka Sanaag.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐