Wasiirka Cadaalada Somliland oo Kulan La Qaatay Gudida Ruqsad Bixinta Iyo Anshax Marinta Qareenada
March 13, 2025 - Written by admin
kulan waxa goobjoog ahaa Agaasimaha Guud Wasaaradda Cadaaladda Mudane Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu Wasiirku werbixin dheer ka dhagaystay Gudoomiyaha Guddiga Cigaal Cismaan Aw Xasan & xubnaha guddida ruqsad bixinta & anshax marinta qareenada Somaliland iyagoo uga waramay wixii u qabsoomay mudadii ay joogeen & caqabadaha ku gadaaman shaqadooda.
Ka dib werbixinta waxa uu wasiirku la wadaagay qoddobo muhiim u ah kulankan oo ay ka mid yihiin.
1. hawl-gudashada xubnaha guddida.
2. u hogaansanaan la’aanta habraac bixinta ruqsadaha qareenada.
3. Gaabiska & hagaajinta nidaamka anshax marinta qareenada & sidii loo fulin lahaa go’aanada maamul ee ay gaadheen guddidu.
Wasiirka iyo xubnaha guddida ayaa ku balamay kulan kale si looga sii amba qaado qodobada sare ku xusan.