Halkuu Ku Dambayn Doona Khilaafka TPLF?
Hordhac: Waxaad la socoteen in TPLF iyo maamulka Getachew mudo khilaaf ka dhex alloosna. Getachew, maalmo kahor wuxuu eryay saraakil sarsare iyo hoggaankii Amnigga.Arrintaas waxay sababtay in Magaaloyinka qaar-kood lagalla warreego.
Taagerada Ay Kala Haystaan.
TPLF, waxay gacanta ku haysaa ciidankii hore, saraakiisha sarsare iyo xubnaha kaadirka u ahaa xisbigan. Getachew, wuxuu haystaa taagerada ugu badan ee shacabka. Taageradana waxay ku timid duruuf, dadka oo dagaal ka daallay iyo dhalinyarada oo leh waxaan rabnaa waji cusub oo aan ahayn TPLF-ta kontanka sanno soo fadhida. Mid kamid ah dadka Tigreega wax qora ayaa yidhi:”Adduunka maanta shacabka ugu baahida badan inay nabadda hellaan oo rasaas maqli karin waa Tigreega.”
Getachew, wuxuu kaloo fursad u heystaa jiritaanka heshiiska Pretoria iyo taagerada Dowladda dhexe, walow ay isbadali karto.Wuxuu taagere ka helay 25 dal oo xoojiyay in heshiiskas aan meelna loo dhaafin, arrintaas oo meesha ka saarreysa in la aqoonsado koox xoog ku qabsata xukunka.
Saddex xisbi oo mucaarad ah iyo qaybo badanoo qurba joogta ah xitaa waxay la safan yihiin Getachew.
Laakin aan far-waawayn idiinku qoro: “TAARIKHDA SIYAASADA ITOOBIYA DOONISTA SHACABKA WAXAA MUQIINAYA QORIGA..”
Jookarka ciyaartan:
Ciyaartan kaarka ugu muhiimsan ee albaabo badan furi kara waxaa haysta Abiye Ahmed. Inta beesha caalamka oo TPLF cilaaqadka Itoobiya ugu fiican leeyihiin ay taagerayso heshiiskii hore, wuxuu fursad u haystaa inuu faragaliyo ama sida hada socota dusha ka daawado ilaa inta ay isasoo wiiqayaan. Sababta Dowladda dhexe mudnaan u siin wayday xiisadan iyo sida qaylo dhaantii Getachew cidna ugasoo jawaabin macal warfaafinfana dhahoo, waxay tilmaamaysaa inay doonis kala duwan leedaahay Dowladda dhexe.
Qorshaha TPLF.
TPLF, xiligan magaaloyin yar oo ay qabsatay ayaa jira. Waxaana la filan karaa inay maalmahan magacaaban Kaabinee kale oo maamul ah. Waxaa kale oo laga filan karaa inay dhanka Gobalka Koonfurta[Raya] oo Getachew kaga awood badnaa ay isku ballaadhiyaan. Tallaaboyinkan maalmahan wadeen waxaa macquulla inay u adeegsadaan GOR-GORTAN, oo ay Dowladda dhexe codsiyo Getachew ka dhan ah horgeeyaan. Kaarka u dembeeya ee laga cabsida qabo waa inay qaatan qorshe is miidaamin ah, inay iskaashi Milatari la sameeyan Eritrea oo hada ay u arkaan wado ay isku cimri dheeraysan karaan.
Waxaan marnaba macquul u ekayn in Debretsion markale Dowladdu kursi saarto, waxaana diiddaya inay Dowladda dhexe u ekaan doonto mid taagerta kooxaha maamulada qalalaasaha ku abbuura/kooxo fallaago ah. Waxaa kaloo fursad cidhiidhi ah in labada dhinac heshiiyan, maadama beesha caalamka iyo waxgaradkii Tigreega ka samreen.
Gobalka Getachew ku korey ee Koonfurta bulshada ugu badan ayaaa ka taabacsan, waxaa kaloo magaalo madaxdiisa ag-degan Milatariga taas oo TPLF ku adkayn karta inay isku fidiso. Waana macquul in cududa Getachew taabacsan ay berito Ciidan ku halisa ku noqoto Tigreega.
Waxkasta waxay ku xidhnaan doonan tallaabada jookarka ciyaartan qaado, waxaase hubaala in markasta TPLF qaacidadii laga bartay ee QAYBI OO XUKUN- ay si jiri doonto inta heshiiska Pretoria jiro maadama Deegankas Golle iyo hannaankisii dumay, sharciga heshiiskuna dhigayo in Dowladda dhexe xulato kolba cida la shaqaynaysa.