Berbera Wiil Dhalinyaro Ah oo Jacayl Dartiis Isu Gubay.
March 15, 2025 - Written by admin
Galabta abaara 4-tii galabnimo bacda salaadii Casar xaafada shacabka aaga Masjidka Turkiga Waxa dab Isqabadsiiyay wiil dhalinyaro ah oo Magaciisu yahay Maxamed Jaamac Gaaxnuug Ilkacase waxaana ugurmada Kadib markii lagu wargeliyay Ciidamada Dabdamiska iyo kuwa booliska oo gaadhay goobta uu wiilku dabka isku qabadsiiyay oo ah guriga Inan Ama Gabadh la sheegay inuu jecelyahay oo sida warku sheegayo xidhiidhkii ujartay kana xidhatay Tilifoonkii uu kala xidhiidhi jiray.
Ninkan Jacaylka dartiisa isu gubay ayaa dad good Joogayaal ahi iisheegeen inuu soo iibsaday caagad Batrool ah kadibna Inanta gurigooda igu tagay isagoo ucalaacalayana uu dabka is qabadsiiyay,
Waxaana dabkii dhaawac halisa ka gaadhsiiyay jidhkiisa inta sare ee xudhurta ka bilaabanta oo wada gubtay waxana bakhtiiyay oo ku simay Ciidamada dabdamiska iyo kuwa Booliska dadkii jaarka ahaa ee ka agdhawaa xaafada uu isku gubay,
Inanta uu darteed isu gubay ayaa la sheegay inay ka carartay Kadib markii uu dabka is qabadsiiyay xageedana uu usoo cararay iyadoo ehelada inana Aan la xidhiidhay iisheegeen inuu damacsanaa inuu Inantana isla gubo oo qabsado sidaasna ay kuwada shuf beelaan laakiinse Inanta ayaa orod Miciisantay sidaasna ku badbaaday.
Waxa xusid mudan Inanta iyo wiilkan is gubay waxay kawada shaqeeyaan Hutelka Hurdada ee Esco Berbera Waxaanay Wada Hayaa Qeybtaas Ay Shiftiga Isu Bedelaan.
Wiilka hadda xaaladiisa waxa lagula tacaalayaa Cisbataalka Berbera waxanu qabaa dhaawac Halisa oo dabku gaadhsiiyay.
Inanta magaceeda inaanu sheego ogolaansho uma haysano sidaas darteed waanu qarinay.