Dawlada Mareykanka oo Dalkeeda Kasoo Eriday Safiirkii Koonfur Afrika Ufadhiyay Dalkaas
March 15, 2025 - Written by admin
Maraykanka Oo Soo Eryey Safiirkii South Africa…..
Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inay Dalka ka eryeen safiirkii Koonfur Afrika Ebrahim Rasool, iyadoo loo isticmaalay PERSONA NON GRATA.”
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio ayaa safiir Rasool ku tilmamay Cunsuri, wuxuuna yidhi sidan .
“Ebrahim Rasool waa siyaasi cunsuri ah oo neceb America, dadka cadaanka ah iyo Madaxweyne Trump, Waa shakhsi ay ka buuxdo isir nacayb, sidaas darteed america loogama baahna shakhsigan oo kale “
Cayrdhinta safiir Rasool ayaa ah tii ugu dambeysay ee talaabooyin isdaba joog ah oo maamulka Trump ku weeraray Koonfur Afrika, oo ah waddan taageersan xuquuqda Falastiiniyiinta, isla markaana hormuudna ka ahaa dacwadii Israa’iil laga geeyey maxkamadda (ICJ)
Koonfur Afrika waxaa maamula xisbiga African National Congress (ANC), oo ah xisbi ka soo baxay halgankii ka dhanka ahaa midab-takoorka ee lagu soo afjaray xukunkii caddaankii tirada yaraa ee dalkaas mudo soo maamulayey.
Xukuumadda Trump ayaa ku eedaysay xukuumadda ANC in ay midab takoor ku hayso dadkeeda caddaanka ah.
Xiisada maraykanka iyo Koonfur afrika ayaa ka kacday kadib markii dawladda South africa ay soo saartay sharci ay dad badan oo cadaan ah ay kagala wareegayso Dhul beereed ay sheegtay inay xaqdaro ku heleen xiligii gumaysiga .